Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Duqayn lagu Garaacay Alshabaab

Wararkii ugu Danbeeyey Duqayn lagu Garaacay Alshabaab

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxyadiin Maxamuud Kulmiye ayaa faahfaahin dheeraad ah ah ka bixiyay duqeymo Arbacadii ka dhacay gudaha degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Muxyadiin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah looa beegsaday xarunta degmada Ruun-nirgood, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in halkaas lagu gaarsiiyay jab xoogan iyo khasaare kala duwan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la beegsanayay ay degmada ku qaadayeen lacag, taas oo ay ka aruurinayeen shacabka degaanka iyo gaadiidka isticmaala halkaasi.

“Duqeynta ka dhacday degmada Ruun-nirgood waxaa lala beegsaday nimanka Khawaarijta ah waxaa lagula beegsaday gudaha degmada, ayaga oo joogo xarunta degmada oo dhaqaalihii uga qaadayo shacabka iyo gadadiidka” ayuu yiri guddoomye Muxyadiin Kulmiye.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Howlgal laga soo shaqeeyay oo la’iska kaashaday ayuu ahaa marka si rasmi ah ayaa Khawaarijta loola beegsaday”.

Guddoomiyaha dgemada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan cirka ah lagu lagu dilay xubna Shabaab ahaa, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Nimanka wa ku jabeen duqeynta, waxaana gaaray dhaawac badan iyo dhimasho intaba waa ku dhacday” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aaga degmada Ruun-nirgoodiyo dhilka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa waxaa marar badan isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleWaddooyinka Nairobi oo webiyo isku beddelay iyo dhimasho ka dhalatay
Next articleDiyaaradda Air France oo cillad qabsatay Xili ay Duilimaad ku jirtay iyo Duuloyaha oo Go,aan Cajiib ah Qaatay