Home Wararka Maanta Markabkii Ugu Horeeyey ew Sugaaya Amaanka Xeebaha Soomaaliya oo Maantay Muqdisho Soo...

Markabkii Ugu Horeeyey ew Sugaaya Amaanka Xeebaha Soomaaliya oo Maantay Muqdisho Soo Garaaya

0

Dekedda Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta uu ku soo xirto Markab dagaal oo dowladda Turkiga ay leedahay, kaas oo ah Markabkii ugu horeeyey ee howlgalka Turkiga oo loo saxiixay in 10 sano uu sugo amniga iyo xasiloonida badda Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu wadaa inay tagaan dekedda Muqdisho, si Markabka Turkiga iyo saraakiisha la socota ay ugu soo dhaweeyaan Muqdisho, waxaana toos u bilaabanaya howlgalka Turkiga oo soo degaya xeebaha Soomaaliya.

Markabkaan ayaa la sheegay inuu sido qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta dekedda tago, sidoo kale waxaa la kahiyey shaqadii dekedda, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyey inay sugaan oo shaqada joojiyaan maalmaha ay socoto howshaan.

Wadooyinka ag mara dekedda Muqdisho ayaa saakay lagu waa bareystay iyagoo xiran, mar hore ayaana la qorsheeyey arrintaan, maadaama markabkaan oo sida xamuul iyo saanad culus uu maalmo u soo socday Muqdisho.

Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka.

Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable
Next articleMareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxayo Niger