Home Wararka Maanta Ma Dhab baa in Marwo Catriona Laing Dalka Soomaaliya laga Cayriyay?

Ma Dhab baa in Marwo Catriona Laing Dalka Soomaaliya laga Cayriyay?

0

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.

Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda wadada nabadda iyo xasilloonida,” ayey tiri Ms. Laing.

Waxay intaas kusii dartay “Waan sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo.”

Catriona ayaa lasoo gaabiyay muddada howl-galkeeda Soomaaliya, mana cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrinkaan, maadaama aysan dhameysan muddo xileedkeeda.

Balse waxay imaaneysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo ay Catriona safar ku tegtay markii uu maamulka sheegay inuu si gaar ah ula macaamilayo caalamka.

Puntland ayaa dhawaan aqoonsigii iyo kalsoonidiiba kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, ayada oo maamulka uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey ee heshiiska lagu ahaa, uuna jeebkiisa kala soo baxay mid cusub.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxii Sirdoonka Milatariga Israa’iil Oo Is Casilay ogoow Sababta?
Next articleXog cusub oo ka soo korortay 5 qof oo loo xiray dilkii Cabdinaasir Dahable