Home Wararka Maanta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Heshiis Gaaray

Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Heshiis Gaaray

0

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray colaad dhawaan ku dhexmartay gobolka Mudug beello halkaas wada dagan, kaddib shir hal maalin ah oo ka qabsoomay magaalada Gaalkacyo.

Shirka oo ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan dawladda Federaalka iyo waxgaradka deegaanka ayaa la isku afgartay in la xoojiyo xabad joojin horey loo gaaray iyo in gogol balaaran la dhigo si heshiis ka dambeys ah loogu helo colaada Gobolka Mudug.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed macalin Fiqi oo kamid ahaa wasiiraddii shirka ka qaybgalay ayaa dalbaday in gobolka dib loogu soo celiyo nabadda iyo walaalnimo kuwada noolaanshaha dadka dariska ah.

‘’Waxan rajeynaynaa gobolka Mudug oo ay hormuud u ahaayeen nabaddii 2020 kii in meesheedii lagu soo celsho, oo taariikhdaas cusub aan la baabi’in ee wanaagsanayd, waxan rajeynaynaa Ilaahay idankiis in Gobolka Mudug oo dhan wax kasta oo ka jira in nabad lagu soo dabaalo reer Mudugna ay gacan ka gaystaan’’ ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Dawladda Federaalka Fardawsa Cusmaan Cigaal oo iyana ka hadlaysay shirka nabadda ee Gaalkacyo ayaa sheegtay in lagu guuleystay horudhaca shirka, isla markaana la isla gartay halkii looga dhaqaaqi lahaa halka maanta la joogo.

In dhawaalaba waxa Gobolka Mudug ku soo laablaabtay colaad beeleedyo, horey heshiis looga gaaray.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleOrodyahanka kaliya ee ay Soomaaliya u dirsatay tartan Caalami ah billaddana soo qaatay
Next articleMuxuu ahaa Abwaanka NISA Dhawaan Xirtay ee Jilib Iska xaadiriyay?