Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey siyaasiga Oromada ah ee la dilay ee meydkiisana la...

Wararkii Ugu Danbeeyey siyaasiga Oromada ah ee la dilay ee meydkiisana la helay

0

Sarkaalka siyaasadda u qaabilsan jabhadda Oromada ee OLF, Bate Urgessa ayey wararku sheegayaan in la dilay, ka dibna meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Meki.

Saaxib ninkaas aad ugu dhawaa oo codsasday in aan magaciisa la sheegin sababo amni dartood ayaa sheegay in Urgessa lagu dilay gurigiisa magaalada Meki ee bariga aagga Shewa ee gobolka Oromia habeen barki 1dii bishan April.

Inkastoo aan la hayn xog la xiriirta dilka sarkaalkaas ka tirsanaa jabhadda xoraynta Oromada, misna sarkaalka u qaabilsan xiriirka dadweynaha, Lemi Gamechu, wuxuu bartiisa Facebook ku qoray “ma rumaysan karo waxa igu dhacay”.

Bate Urgessa waxaa la xiray bishii Febraayo, waxaana la si daayey ka dib markii uu laba usbuuc xirnaa, ayadoo lagu sii daayey damaanad 100,000 oo Birr ah.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in Bate Urgessa la dilay ka dib marki si khasab looga soo saaray hotel uu ka deganaa magaalada Meki, ayadoo meydkiisana lagu tuuray waddada dhinaceeda.

Wuxuu intaa ku daray inuusan garanayn cidda ka dambaysay dilka siyaasigaas, ayna adag tahay in xog dheeraad ah la helo sababo la xiriira isgaarsiinta oo magaaladaas ka go’an.

Ismaamulka Oromia iyo xukuumadda Federaalka kama aysan hadlin dilka siyaasigaas, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu ku baaqay baaritaan madax banaan in lagu sameeyo dilka siyaasigaas.

Qof kale oo saaxib la ahaa ayaa isna BBC u sheegay in uu siyaasigaas u safray beer uu ku lahaa Keki, wuxuuna intaa ku daray in ninkaas oo ahaa aabaha afar carruur ah qoyskiisa la wargeliyey, ka dibna xubno qoyska ka tirsan ay aadeen magaalada meydkiisa laga helay.

Kumuu ahaa Bate Urgessa
Bate Urgessa wuxuu ahaa siyaasi dhowr goor loo xiray sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed. Dhowr todobaad ka hor ayaa isagoo la jooga suxufi Faransiis ah lagu xiray magaalada Caasimadda ee Addis Ababa.

Xilligaas ayuu suxufiga ugu warramayey hotel ku yaalla caasimadda, waxaase la sii daayey laba todobaad kadib.

Xukuumaddu waxay sheegtay in suxufiga oo wax ku qora majalladda “Africa Intelligence” iyo sarkaalkaas OLF ka tirsan labadaba la xiray “sababtoo ah waxay la shaqaynayeen Fano iyo OLF Shene si dagaallo loo huriyo”.

Hore ayaa Bate loo xiray sababo la xiriira xilka sare ee uu hayey iyo dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee OLF.

Waxaa la xusuustaa in sanooyin sii horreeyey lagu xiray magaalada gobolka Oromada ku taalla ee Burayu, halkaasoo uu muddo dheer ku xirnaa.

Markii la sii daayey Bate Urgessa waxaa ku dhacay xanuuno uu xarigga ka qaaday, ka dib markii uu cuntada ka soomay muddo maalmo ah, isagoo sheegay in xuquuqdiisa aadanaha aan la ixtiraamin oo si xun loola dhaqmay.

Dadaallo ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto booliska magaalada Meki, kuwaasoo la xiriira dilka siyaasigaas ayaan guulaysan sababo la xiriira isgaarsiinta telefoonka oo go’an.

Sidoo kale, isku day ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto xisbiga Oromo Freedom Front ayaan suurto gelin.

Ad
Previous articleCabsi Xoogan oo Ka Tagaan Muqdisho iyo Ciidamo Farabadan oo lagu soo Daadiyay Wadooyinka Caasimada
Next articleXagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay?