Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Taliyihii Booliska Hiliwaa oo Dil Toogasha ah lagu...

War Deg Deg ah: Taliyihii Booliska Hiliwaa oo Dil Toogasha ah lagu Xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Hilwaa, Kabtan Police ka tirsan & Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.

Waana Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye & Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Rafcaan waa furan yahay.

Ad
Previous articleXamse Cabdi bare oo Qaabilay Safiir Dadkii Dhawaan Muqdisho lagu Dilay(Sawiro)
Next articleMadaxda Puntland oo Ku Qulqulaaya Itoobiya