Home Wararka Maanta Qarax Culus oo lagu laayay Samafalayaal Turki ah oo Ka Dhacay Muqdisho

Qarax Culus oo lagu laayay Samafalayaal Turki ah oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax xooggan oo nuuca miinada hareeraha waddooyinka la galiyo ah ayaa lala eegtay gaari nuuciisu ahaa Hilux oo marayay xaafada katirsan deegaanka Garasbaaley ee katirsan magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay gaariga la qarxiyay ayaa la sheegay in ay la socdeen samafalayaal u dhashay dalka Turkiga iyo dad kale oo Soomaali ah, waxaana qaraxa uu haleelay xilli uu gaariga marayay xaafada lagu magacaabo Igadabagey.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray samafalayaashii Turkiga iyo askartii ilaalada u aheyd, waxaana la sheegay in dadka waxyeelada soo gaartay aysan helin gurmad deg deg ah.

Ciidamada ammaanka oo markii dambe soo gaaray goobta qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii kale ee ku dhintay, waxaana halkaasi looga tagay gaarigii la qarxiyay oo si weyn u bur buray.

Qaraxyada miino ee ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan soo badanayay, qaraxyada qaar ayaana waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxba galabsan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ciyaaryahan caan ah oo lagu dilay Johannesburg kaddib markii uu diiday….
Next articleWar Deg Deg ah:Safiirka Dalka Itoobiya oo Saacado loogu Qabtay inuu Ka Baxo Muqdisho