Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Ciyaaryahan caan ah oo lagu dilay Johannesburg kaddib markii...

Wararkii ugu Danbeeyey Ciyaaryahan caan ah oo lagu dilay Johannesburg kaddib markii uu diiday….

0

Laacibkii hore ee da’da yar ee Koonfur Afrika Luke Fleurs, una ciyaari jiray naadiga ugu caansan dalkaas ee Kaizer Chiefs, ayaa lagu dilay magaalada Johannesburg, kaddib markii uu ka biyo diiday afduub rag hubeysan u geesan rabeen.

Ciyaaryahan Luke Fleurs 24-sano jir ahaa ayaa habeenimadii Arbacada waxaa lagu toogtay  kaalin shidaal oo kuyaalla magaalada Johannesburg, waxaana ragga dilka geystay ay la dhaqaaqeen gaari uu watay ciyaaryahanka.

“Markii uu sugayay in uu u adeego nin ka shaqeeya kaalinka shidaalka , waxaa ka horyimid laba nin oo hubeysan, kuwaa oo isku dayay in ay afduubtaan, markii uu ka dhago adeegay ayeyna toogteen ” ayuu yiri  afhayeenka booliska Lieutenant, Colonel Mavela Masond.

Daafaca dhexe ee Fleurs ayaa daqiiqad kasta u ciyaarayay South Africa ciyaarihii xagaaga ee Olombikada Tokyo ee 2021, isla sannadkaas ayaa loogu yeeray xulka sare ee isreebreebka koobka adduunka ee ay la ciyaareen Itoobiya, inkastoo uusan ka soo kicin kursiga keydka oo uusan ciyaarin kulankaasi.

“Waxaan ku soo toosnay warka naxdinta leh  ee dhimashada Luke Fleurs . Tani waxay khasaare weyn u tahay qoyskiisa, asxaabtiisa  iyo guud ahaan kubada cagta. Dhammaanteen waan ka xunnahay geerida wiilkan da’da yar,”  ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Koonfur Afrika Danny Jordaan .

Dilkan loo geestay ciyaaryahankan caanka ka ahaa dalka Koonfur Afrika ayaa walaac iyo cabsi badan ku abuuray ciyaartoyda kale ee dalkaasi ku sugan, waxaana dalkaasi kusoo badanaya falalka ka xariira dilalka iyo afduubka loo geesto dadka caanka ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWax badan Ka Ogoow Qaraarkii Wadanka Looga Ceyriyay Safiirka Itoobiya
Next articleQarax Culus oo lagu laayay Samafalayaal Turki ah oo Ka Dhacay Muqdisho