Home Wararka Maanta Faahfaahin:Dil Layaab Leh oo Muqdisho loogu Gaystay Sacad Cabdi Muuse.

Faahfaahin:Dil Layaab Leh oo Muqdisho loogu Gaystay Sacad Cabdi Muuse.

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee Talaadii ka dhacday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali Gololey oo kala qaybisa Dharkenley iyo Kaxda.

Dhacdada ayaa timid, kadib markii halkaas si arxan darro ah uu askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ugu dilay nin shacab ah oo ku sugnaa Timo-jare ku yaalla halkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Sacad Cabdi Muuse.

Wiil uu dhalay marxuumka ayaa sheegay in aabhiis loo dilay iiga kac kursiga Timojaraha aniga ayaa ka hormaraayo, sida uu u sheegay warbaabhinta.

“Aabahey waxaa la dhahay anaa fuulaayo ee ka kac Timo-jaraha, caawa wuxuu sariir ku saaran yahay adiga ma fuuleysid ee anaa fuulaayo ayuu mayd ku yahay” ayuu yiri.

Sidoo kale gabar kamid ah ehellada marxuum Sacad Cabdi Muuse ka sheegay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay inuu abti uu ahaa marxuumka.

“Abtigeyga waxaa lagu dilay gar darro cad isaga oo Timo-jare fadhiyo gacan ka xaq darran ayaa dishay, waxaan dalbaneynaa in wax naloo qabto” ayay tiri gabadhu.

Waxaa kale oo ay intaasi ku daray inay aasi doonin maydka, illaa iyo cadaaladda lasoo istaajino askariga dilay marxuumka.

“Abitigey mala duugaayo inta aan ka heleyno cadaalad Firinjeerka ayuu noogu jirayaa” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ay goor dambe soo qabteen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleTaliyaha NISA oo Maantay Xilka laga Qadaayo
Next articleDowlada Soomaaliya Oo Shaacisay Dadkii Ka Danbeeyey Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Qaaday Hotel SYl.