Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo culus oo ka dhan ah Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca ay Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB.
Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.
Samira Gaid ayaa qoraaladeedii ugu dambeysay si wayn uga hortimid wax-ka-beddelka Dastuurka dalka oo ay todobaadkii hore meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.
Shaqo joojinta haatan lagu sameeyay Samira ayaa waxaa ka horreeyay weerar toos ah oo dhanka afka ah oo uu isna maalin kahor ku qaaday Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kaas oo u muuqday mid hanjabaad loogu diray Samira Gaid.
Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keeneyso walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.