Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamada booliska.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale oo goobta joogay.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo Cabdiraxmaan Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Qoryooley iyo agagaarkeeda howlgallo ka wada ciidamada ammaanka iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka halkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas iyo howlgallada xigay.