Home Wararka Maanta Alshabaab Ku Sugnaa Baqdaad iyo Baldooska oo Weerar Culus lagu Qaaday

Alshabaab Ku Sugnaa Baqdaad iyo Baldooska oo Weerar Culus lagu Qaaday

0

Dowlada Soomaaliya Ayaa Goordhow Soo Saartay Warsaxafadeed Sidaan U Qornaa:

WAR SAXAAFADEED

In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan ayay Khawaarijtu geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay.

Dhanka kale Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo si dhuumaalaysi ah Khawaarijtu isku dayayeen inay u soo galaan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka Qalabka Sida.

-Dhammaad-

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay
Next articleDagaal Culus oo Kasocda Koonfurta Gobalka Mudug