Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay

0

Arday Muslimiin ah ayaa lagu weeraray hotel Jaamacdeed ay degnaayeen oo kuyaalla dalka Hindiya, xilli ardaydaasi ay meel gaar ah ku dukanayaeen salaada taraawiixda, waxaana weerarka ardayda lagu qaaday ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Booliiska dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay dhallinyaro ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday arday Muslimiinta ah ee dukanayay salaada Taraawiixda, waxa ayna booliiska wali wadaan baaritaanka sida weerarkaasi u dhacay.

Weerarka lagu qaaday ardayda Muslimiinta ah ayaa ka dhacay jaamacadda Gujarat ee kutaalla galbeedka dalka Hindiya, waxaana weerarkaasi dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray shan arday oo u badan kuwa kasoo jeeda dalka Afganistan.

GS Malik oo ah taliyaha booliska magaalada Ahmedabad ayaa warbaahinta u sheegay in arday Hindiya u dhalatay ay galeen goobtii ay ku dukanayeen ardayda Muslimiinta ah, waxa uuna xusay in dood kaddib halkaasi ka bilaabeen in ay weeraraan ardayda.

Weerarka ayaa waxaa qaaday koox Hinduu ah oo la tuhmayo in ay ku xiran yihiin siyaasiyiin mayal adag ah, waxa ayna kooxdan bur bur xooggan u geesteen qolalkii ay degnaayeen ardayda muslimiinta ahaa, baabuur iyo dhismayaal dhowr ah.

Arday u dhashay Afganistan oo kamid  ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa sheegay in iyaga oo dukanaya salaada Taraawiixda usoo galeen saddex nin, waxa uuna xusay in dood kaddib raggaasi ay soo wateen rag kale oo badan laguna bilaabay weerarka.

“Muran baa ka dhashay, waxayna la soo noqdeen dad tiro badan oo ku hubeysan dhagxaan, iyo tuubooyin bir ah, way na soo weerareen, waxay weerar ku qaadeen hoteelka, iyagoo ardaydii qolkooda ku weeraray oo gudaha ugu galay, hanti iyo gaadiidna khasaare badan u geystay,” ayuu yiri ardayga reer Afganistan.

Ardayda Muslimiinta ah ee wax ka barta jaamacadda weerarka ka dhacay ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xooggan, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan howlgalo lagu soo xirayo dad kale oo lagu tuhmayo in weerarka ku lug lahaayeen.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Somaliland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Badda
Next articleAlshabaab Ku Sugnaa Baqdaad iyo Baldooska oo Weerar Culus lagu Qaaday