Home Wararka Maanta Maxay tahay sababta ka dambeysa safarrada is daba joogga ah ee madaxweynaha...

Maxay tahay sababta ka dambeysa safarrada is daba joogga ah ee madaxweynaha uu ku tagayo Eritrea?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea halkaa oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Labada hoggaamiye ayaa kawada hadlay arrimo xasaasi ah oo gobolka la xiriira iyo si gaar ah arrimaha labada dal.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Eritrea , Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Afwerki uga warbixiyey dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaallanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan tababarka ciidamada Soomaaliyeed uga socda dalkaas iyo sidii loogu dhameystiri lahaa, si dalka dib loogusoo celiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta gudaha ee waddanka la hadlay ayaa yiri,“Sida aad ogtihiin Eritrea iyo Soomaaliya waxa ay lahaayeen xiriir saaxibtinimo muddo dheer , Erétria waxa ay taageeraysay Soomaaliya awaana waddan aan wax dan ah ka lahay Soomaaliya oo aan ka ahayn walaalnimo iyo in ay taageerto Soomaaliya .

waxa aan halkan u imid in aan warbixin ka siiyo madaxweynaha isbedellada iyo horumarka socdo oo aan weeydiino wixii talooyin ah sidii horey loogusii wadi karo xoreeynta argagaxisada ee dalkeena”.

Waxaa la rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh uu Eritrea ku tagay in kabadan safarrada uu ka tagay dalalka kale muddo xileedkiisan.

Sababta ka dambeysa xiriirka dhow ee Eritrea iyo Soomaaliya

Soomaaliya ayaa xiriir iskaashi iyo xiriirro kaleba la wadaagta Eritrea, waxa ugu badan kan amni

Waxa muuqata in xiriirka ka dhexeeya Eritrea iyo Soomaaliya uu yahay mid sii xoogeysanaya iyadoo loo sababeynayo dhinacyo dhowr ah.

“Axmed Kaboole oo isna ka faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda ayaa yiri, “Madaxweynuhu waxa uu u baxay safarro dhowr ah oo Eritrea ah haba ugu badnaado wixii ka dambeeyay xiisadii Itoobiya iyo Soomaaliya, ‘Soomaalidu waxay tiraahdaa cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa’ Soomaaliya waa sidaas xiriirkka labada dowladood oo sii adkaada waxaa keenaya in ay hal cadaw leeyihiin”.

Waxa uu ka hadlay in Eritrea ay qayb weyn ka qaadaneyso tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya iyadoo in kabadan 5000 oo ciidamo ah ay tababarro kala duwan kusoo qaateen dalkaas.

“Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa Al-shabaab iyadoo ay sidaas tahay waxa ugu muhiimsan ee ay u baahantahay waa ciidan tababaran oo tayeysan Eritrea-na waxa ay qayb ka qaadataa tababarka ciidamadaas”, ayuu yiri Kaboole.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin kala duwan ugu bixiyay magaalada Asmara oo uu dhowr jeer tegay, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii 2022-kii

Waxaa kale oo uu horay u booqday xeryaha ciidamada Soomaaliya lagu tababarayo, isaga oo qiimeyneyay xaaladdooda iyo tababarka uga socda halkaasi.

Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDekada Muqdisho Oo Xirantay iyo Buuq Ka Taagan
Next articleDal Soomaali badan jecelyihiin inay degaan oo dadkiisu ka cararayaan