Waxaa maanta Maxkamadda Darakada Koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay dalka Kenya.
Sufyaan Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee argagixisada iyo marin habaabinta dadka.
Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay ku riddo Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya.
Waxaa bishii October ee sanadkii hore laga soo qabtay ninkan magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya.