Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaq badan sameeyey tan iyo markii xalay dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Qaranka.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah, xubnaha weerarka geystay ayaa hotelka ka soo galay dhanka Sayidka, iyagoo aqoonsi dowladeed ku soo dhaafay barta kontrol ee laga ilaaliyo madaxtooyada.
Waxaa la xiray askar iyo saraakiil shaqada ku jirtay xiliga ay soo gudbeen ragga weerarka geystay, sidoo kale waxaa la helay muuqaalada markii ay gudbayeen iyo askarta fasaxday raggii Shabaab-ka ahaa.
Meydadka afar nin oo raggii weerarka geystay ah ayaa banaanka la soo dhagay maanta duhurkii, booliska oo warbixin ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegay in 17 qof iyo 9-askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarkaas, halka saddes askari ay ku dhinteen.
Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.