Dalka Aljeeriya ayaa waxa laga daah-furay masaajidka saddexaad ee ugu wayn caalamka ahna kan ugu wayn qaaradda Afrika, kaas oo muddo sanado ah dib u dhac ku yimid dhammeystirkiisa iyada oo ay jiraan isbedello siyaasadeed, ka hor bisha barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa Isniintii si rasmi ah u furay Masjidka weyn ee Algiers oo ku yaal xeebta Mediterranean-ka ee Waqooyiga Afrika.
Masjidkan ayaa qaadi kara markiiba 120,000 oo qof islamarkana minaaraddiisa ayaa aad u dheer oo gaaraeysa 265 mitir. Dhismaha Masjidka oo ahaa mashruuc dhinacyo badan ka kooban waxaa uu sidoo kale leeyahay maktabad, jaamacad, iyo xarun tababar.
Laakiin qof kasta oo Aljeeriya ku nool kuma faraxsana mashruucani, waxaana jiray dhaleecayn ku saabsan kharashka aadka u badan ee ku baxay.
Qaar ka mid ah dadka reer Aljeeriya ayaa waxaa ay aad u dhaliileen kharasha faraha badan ee ku baxay mashruuca masaajidkan.
Waxaa ay sidoo kale qaar ka mid ah dadka dhaleeceynaya ay aamisan yihiin in goobta laga dhisay ay tahay meel halis ah.
Waxaa uu dhismihiisu socday in ka badan toddobo sano waxaana loo dhisay qaab casri ah, islamarkaana waxaa uu ku fadhiyaa dhul dhan 27.75 hektar.
Waxaa uu masaajidkan leeyahay goob ay ku degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaanno, waxayna maktabaddiisa qaadi kartaa hal milyan oo buug.
Furitaanka rasmiga ah ee masaajidka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay foodda inaugu soo hayso bisha barakaysan ee Ramadan taasi oo dadka u suuragalinaysa in salaadaha jamaacada iyo waliba Taraawiixda ay halkaasi ku oogaan.
Masaajidkan ayaa waxaa horey dalxiisayaasha iyo dadka kale ee ku cibaadeysanaya loogu fasaxay October 2020.
Masaajidkan aadka u wayn ayaa sida la sheegay waxaa ku baxday lacag dhan $900 oo milyan, waxaana dhistay shirkad Shiinaha laga leeyahay.
Aljeeriya waxa ay hadda ku faani kartaa inay leedahay masaajidka ugu weyn ee ka baxsan goobaha barakeysan ee Islaamka, balse mashruucan ayaa sanado badan waxaa ka muuqday dib u dhac iyo qarashka ku baxay oo marba marka ka dambeysa sii kordhayay.
Masaajidkan waxaa ka wayn oo kali ah labada Masjid ee barakaysan ee Makkah iyo Madiina oo ku yaalla dalka sacuudiga.
Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay dowladda in ay ay Masaajidkan ka dhistay meel halis badan leh, balse dowladdu ayaa beenisay arrintaasi.
Dadka dhaleeceeya ayaa sidoo kale ku andacoonaya in masaajidka uu asal ahaan mashruuc uu doonayay in uu isku muujiyo madaxweynihii hore ee Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika, oo lagu qasbay inuu xilka iska casilo 2019 ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.
Masjidka ayaa markii hore ahaa mashruuc uu lahaa madaxweynihii hore ee Aljeeriya Abdelaziz Bouteflika. Waxa uu rabay in ay noqoto misaajid ay dadka ku soo xusuustaan islamarkana loo bixiyo” Masaajidka Abdelaziz Bouteflika”.
Masaajidka – oo ay la socdaan waddo weyn oo qaran iyo hal milyan oo guriyo cusub ah – ayaa waxaa hareeyay tuhunno musuqmaasuq xilligii Bouteflika.
Mr Bouteflika ayaa doonayay in si la mid ah boqorkii Morocco boqor Xasan II oo loogu magacdaray masaajid wayn oo dalkaasi ku yaalla isna loogu magacdaro masaajidkan ugu wayn Afrika.
Ma aha masjidkii ugu horeeyay ee lacag intan dhan ay ku baxdo, balse waxaa sidoo kale jiray masjid laga dhisay Masar oo ay ku baxday lacag dhan 800 million oo ah lacagta Masar taasi oo u dhiganta £21 milyan oo ah lacagta Ingiriiska.
Waxaa sidoo kale jiray Masaajid wayn oo sanadkii 2019 uu xarigga ka jaray Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan kaasi oo ay ku baxday ($66.5 milyan oo doolar).