Safiirka boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya ayaa shalay booqasho ku tegay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wuxuu sheegay safiirka in Muuse Biixi ay ka wada hadleen xoriyadda saxaafadda oo mudooyinkaan danbe Somaliland beegsaneysay suxufiyiinta ayada oo xabsiyada u dhigeysay si ka baxsan qaanuunka dowliga iyo bini’aadannimada.
Dhinaca kale Ambassador Mike ayaa tilmaamay in ay isla soo qaadeen arrimaha gobolka ka taagan, iyadoo ay meel sare mareyso khilaafka dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska Muuse Biixi u saxiixay Abiy Ahmed.
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in safiirka UK ee Soomaaliya uu Muuse Biixi kala dooday cawaaqibka ka dhalan karo heshiiskaasi sharci darrada ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa horay mowqifkeeda ku caddeysay qoraal ay kasoo saartay heshiiskaasi sharci darrada ah, iyadoo taageertay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
Waxaase heshiiskaasi ka dhashay caro xoogan oo dowladda Soomaaliya ay ku diiday, iyadoo xiriirkii labada dal uu xumaaday, dhalisayna in Somalia ay dadaalkeeda ku bixisay sidii duulaankaasi isaga difaaci laheyd, waxayna heshiisyo difaac iyo iskaashi la soo gashay Turkiga, Masar iyo Eritrea oo isbaheysi gaashaan buursi la sameysatay. Â