Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar xoogan oo ay maanta xubnaha Al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugan wasiirka amniga Jubbaland.
Saraakiisha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay haatan degan tahay xaaladda degmadaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana kadib howlgallo kooban sameeyay ciidamada Jubbaland ee jooga aagga Ceelwaaq.
Ceelwaaq ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay xaalad cabsi ah, kadib markii ay Shabaab ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan qabsashada degmadaas.
“War Khawaarijtaas meesha taag taagan oo leh hadda marka ay ciidamada Kenya baxaan Ceelwaaq ayaan qabsaneynaa ku hayo war miyaan u ogolnay inay qabsadaan?” ayuu yiri wasiirka amniga maamul goboleedka Jubbaland mar uu ka hadlayay qorshaha Al-Shabaab.