Todobaadkan Kenya ayaa martigalinaysa booqashooyin ay ku imaanayaan madaxda Soomaaliya & Itoobiya, oo uusan wanaagsaneyn xariirka ka dhaxeeya, Talaadada todobaadkan ayaa lafilayaa in uu Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh tago magaalada Nairobi ee Kenya.
Ilaa hadda lama yaqaano Ajendaha wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh ee tagida Nairobi, xili sidaas oo kale RW Itoobiya Abiy Axmed uu isna todobaadkan tagayo Nairobi.
ABIY ayaa horey u sheegay in uu MW Ruto ka codsaday in uu dhexdhexaadiye isaga & Madaxweynaha Soomaaliya, balse uu taasi diiday Madaxweyne Xassan Sheekh, oo sheegay in uusan la fariisan doonin madaxda Itoobiya ilaa ay ku dhawaaqan ka laabashada Is afgaradkii ay la galeen Muuse Biixi.
Ad