Home Wararka Maanta Itoobiya oo jawaab Deg Deg ah ka Bixisay eedayn ugu Timid Dowlada...

Itoobiya oo jawaab Deg Deg ah ka Bixisay eedayn ugu Timid Dowlada Soomaaliya

0

Sarkaal sare oo katirsan dawladda Itoobiya oo kajawaabayay warka Bahdilaada lagu sameeyey wafdiga Madaxweynaha JFS, ayaa sheegay in ay dawladdiisa masuul katahay amniga madaxda Africa ee tagay shirka Addis Ababa, ayna si fiican usoo dhaweeyeen Wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh, hayeeshee ay garab martay Soomaaliya hanaanka amni sugida ee AU iyo Itoobiya ay masuulka ka ahaayeen.

Sarkaalka Itoobiya ayaa BBC Africa u sheegay, in ay Ilaalada Madaxweyne Xassan Sheekh isku dayeen in ay hub lagalaan xarunta Midowga Africa, ayna taas diideen oo aan ogoleyn, ayna tahay fal ka dhan ah amni sugida guud.

Ad
Previous articleItoobiya oo Si xun ula Dhaqantay Wafdigii Xasan Shiikh ee ku Sugnaa Itoobiya iyo Xasan Shiikh oo Deg deg uga soo baxay Adisabaaba
Next articleQaab Sidee ah Ayaa Loo Dhaqmay Wafdiga Dowlada ee Itoobiya ku Sugnaa