Home Wararka Maanta Xarunta Maxkamada iyo School oo Maanta Cadaado Laga dhagaxdhigay (Sawiro)

Xarunta Maxkamada iyo School oo Maanta Cadaado Laga dhagaxdhigay (Sawiro)

0

Wasaaradda Howlaha Guud iyo Maamulka Dowlada Hoose ee Degmada Cadaado ayaa maanta Dhagax-Dhigay Dhismaha Maxkamada Degmada iyo Dugsiga Sare.

Mashruuca dhismaha ayaa waxaa maaligeliyey Midowga Yurub oo soo marsiisay, Dowladda Galmudug – Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo guriyeynta.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa aad u soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan oo maanta la bilaabayo dhismihiisa taasoo noqoneysa in la fuliyey dalabkii dadweynaha Cadaado ee sanadkii hore.

Ad