Home Wararka Maanta Wararkii ugu Dabeeyey Xiisadda Somaliland oo dib usoo laba kacleysay

Wararkii ugu Dabeeyey Xiisadda Somaliland oo dib usoo laba kacleysay

0

Waxaa mar kale dib usoo cusboonaaday xiisadda doorashada ee Somaliland oo ay wlei isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo horay dib u dhaca uu ugu yimid.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo war cusub soo saaray ayaa sheegay inay dalbanayaan in la qabto doorashada, si aysan mar kale dib ugu dhicin.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan doorasho nabad ah, si looga digtoonaado qalalaase horleh oo ay gashaa Somaliland, maadaama ay jiraan xaalado adag.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay in uusan rabin doorashada, balse ay waajib tahay inay dhacdo.

“Annagu waxaan rabnaa doorasho nabad ah, tartan xalaal ah ayaan rabnaa xoog iyo xabad waxba ku dooni meyno ee aan u diyaar garowno doorashada, Muuse ha’iska rafto doorashada way dhaceysaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro,

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Somaliland, isaga oo tilmaamay in deegaan kasta ay gaartay sida uu hadalka u dhigay.

“Deegaan aanu tegnay oo aan cabaneyn maan soo arag bari iyo galbeed” ayuu mar kale yiri musharraxa xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan ay Somaliland u baahan tahay badbaado, isla markaana la ilaaliyo dhammaan xuduudaheeda.

“Maanta deegaan qura laga hadli maayee Somaliland-baa u baahan badbaado xuduudkeena Tukaraq ayuu ahaa iminkana, waa Oog” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxa ugu weyn ee Somaliland ku badbaadeysaa waa shacabka oo midooba, lana iloobo waxyaalaha lagu soo dhex tuurayo”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFaroole oo si adag uga hadlay habraaca wax ka beddelka ee ay saxiixeen xildhibaanada labada aqal.
Next articleDagaalkii Caad: ‘Indhayga ayaan ku arkay baabuur gubaneysa iyo dad dhintay’