Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gaaray magaalada Garoowe halkaas oo maanta ay ka dhacayso xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madax hore, siyaasiin iyo marti kale oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda ayaa sidoo kale munaasabadda ka qaybgalaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xiriirkoodu xumaa muddooyinkii la soo dhaafay, iyadoo khilaafkaas uu sababay in Puntland ay ka maqnaato shirar iyo tillaabooyin ku saabsanaa masiirka Soomaaliya, iyadoo xitaa Putland khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka dartii ay uga hortay tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo hadda Muqdisho ka socda.

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in ka qayb galka madaxwene Xasan ee xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland ay muujineso isu soo dhawaansho iyo in labada dhinac ay bilaabi karaan wadahadallo lagu xalinayo khilaafkii mudada taagnaa ee ka dhaxeeyay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleFarmaajo oo aan Maantay Ka Qayb galayn Caleema Saarka Madaxweyne Deni
Next articleSafiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya oo Si Ba,an u Weeray Madaxda Soomaalida