Home Wararka Caalamka Madaxweyne Xasan oo war lama filaan ah kasoo saaray kulankii Dhexmaray Asaga...

Madaxweyne Xasan oo war lama filaan ah kasoo saaray kulankii Dhexmaray Asaga Iyo Madaxweynaha Masar

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay iska fogeeyay inuu madaxweynaha dalka Masar kala xaajooday arrimo milateri oo la xiriira xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in uusan weydiisan dowladda Al-Siisi in ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, si ay uga taageeraan difaaca madax-banaanideeda, xilli uu madaxweynaha Masar uu sheegay inay difaacayaan Soomaaliya haddii Itoobiya ay ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadu aysan weli gaarin halkaas (dagaal), waana sababta aan uga digayno Itoobiya oo aan u lennahay war ka jooga ha samayn sidaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Al-Carabiya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay xilligaan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse ay ka waaban doonin buu yiri “difaaca dalkeeda haddii loo baahdo.”

“Kani waa dhul ay Soomaaliya leedahay, weligeenna kama daali doono cadaadis kasta oo ku yimaada.”

Marka laga soo tago hadalka madaxweyne Xasan, dhawaan Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay ayaa sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaasi, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damaca Itoobiya si adag uga hortimid, ayada oo ku qaaday dagaal diblumaasiyadeed ay uga adkaatay Itoobiya, waxaana hadda muuqata in Soomaaliya ay sugeyso in Addis Ababa ka laabato xad-gudubka ay u bareertay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleYaa Caawa Ku sugan Magaalada Caad oo Saakay Alshabaab Dagaal Qaraar kula Wareegeen?
Next articleDegmada Galhareeri ee Galgaduud oo saakay loo daatay