Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa ka qeyb-galay shir madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Waxa uu sheegay in dalalka aan badda laheyn ee Ethiopia kamid tahay ay ku dhibtoonayaan ka jawaabista dalabaadka dadkooda, taasi oo laga fahmi karo inuu weli ku adkeysanayo damaciisa guracan ee helitaanka bad.
“Dalalka aan badda lahayn waxay ku dhibtoonayaan in ay ka jawaabaan dalabaadka muwaadiniintooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli uu buuq ka taagan yahay heshiiska uu la galay Somaliland, sidoo kalena wuxuu uga sii daraya xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo salka ku haysa damaca guracan ee Abiy iyo heshiiskii 1-dii bishaan.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia, iyada oo taageero caalami ah u heshay difaaca dhulkeeda, kadib markii ay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Axmed.