Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab kusoo qaadeen qaybo kamid ah galbeedka Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay hortageen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha duulaanka soo qaaday.
Sidoo kale qarax xoogan ayaa saaka ka dhacay isla degmada Kaxa, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadaasi.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay Kantorol ku yaalla halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.