Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dhan ah Itoobiya ayada oo goordhow hawada Soomaaliya ka celisay Diyaaradda Ethiopia Airlines, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ku laabatay magaalada Addis Ababa oo markii hore ay ka soo kacday, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista Axmed Macallin oo la hadlay Shabelle Tv.
“Waan celinay diyaaradda, waxayna dib ugu laabatay Addis Ababa, waxay ahayd VIP” ayuu wareysiga ku yiri Axmed Macallin.
Wafdiga Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay shir uga qayb-geli lahaayeen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida aan xogta ku helnay.
Si kastaba, arrintan ayaa sare usii qaadeyso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa, kaas oo ay diiday dowladda federaalka.