Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta deg deg ah uga safray magaalada Dhuusamareeb oo qorshihiisu uu ahaa in ilaa 17-ka bishaan uu joogo, waxayna Mudug24 heshay xogta sababta soo dedejisay safarka madaxweynaha.
Maanta hey’adda NISA iyo maamulka Shirkadda Hormuud waxay soo saareen labo war-saxaafadeed oo dhinac kasta uu ku faah-faahinayo waxa ay isku hayaan.
Maamulka Hormuud Telecom waxay sheegeen in NISA ay soo weydiisatay xogta muwaadiniin isticmaala adeegga shirkadda, isla markaana sharcigu uusan qabin in la bixiyo xogta muwaadinka.
Intaas kadib, Hormuud waxay sheegtay in ciidamada NISA ay u awood sheegteen shirkadda, isla markaana ay xireen xarumo iyo xubno sare oo ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam oo hoos taga Hormuud.
Hey’adda NISA ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabeyso warka Hormuud Telecom, waxayna faahfaahisay sababta ay u xirtay xarumaha iyo xubnaha ka tirsan shaqaalaha Hormuud.
NISA waxay meesha ka saartay inay raadineyso xogta muwaadiniin gaar ah, balse waxay cadeysay inay beegsaneyso dhaq-dhaqaaqa argagixisada, gaar ahaan xubno la tuhmayo inay ka qeyb qaadan jireen weeraradii loo geystay xarumaha shirkadda Hormuud, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda, balse hadda baxsaday.
Sidoo kale NISA, waxay maamulka shirkadda ku eedeysay inay diideen in la tuso hey’adda dhaqdhaqaaqa xubnaha looga shakiyey weeraradii loo geysa jiray shirkadda, isla markaana la fakiyey xubnihii laga shakisanaa, sidoo kale NISA waxay qoraalka ku cadeysay in dhamaadkii bishii 12-aad ay Hormuud ka codsatay NISA in la baaro qolada weerartay xarumaha, shaqaalaha iyo gaadiidka shirkadda.