Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu aasay gabar dhalinyaro aheyd oo u dhalatay dalka Itoobiya, oo habeen hore lagu dilay.
Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa aheyd xaafadda Waxar-cadde ee magaalada Dhuusamareeb, taasi oo ay deganaayeen qoyska ay u shaqeynaysay gabadha la dilay.
“Gabadha markii tooreeyda lagu dhuftay xataa dhaawac ma noqno oo istbitaal lama gayn laakin horey ayay ka dhimatay,” ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi oo la hadlay BBC.
Sababta keentay dilka ayaa illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, ayada oo booliska uu sheegay in ninka dilka geystay uu mararka qaar xanuunka (jiro maskaxeed) uu kusoo kaco.
Dhinaca kale, Qoyska ninka la sheegay inuu dilka geystay ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen falka uu ku kacay wiilkoodu, iyaga oo ka gaabsaday in ay si faah-faahsan uga hadlaan sida wax u dhaceen.
Dhacdadaan ayaa argagax ku reebtay shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo si weyn uga naxay, ayada oo sidoo kalena falkaadi aad looga hadal haayo baraha bulshada Soomaalida