Home Wararka Maanta Somaliland oo Shuruud Adag ku Xirtay Itoobiya Sheegtayna inaysan Saxiixi Doonin Heshiiskii...

Somaliland oo Shuruud Adag ku Xirtay Itoobiya Sheegtayna inaysan Saxiixi Doonin Heshiiskii Bada

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay hal shuruud Itoobiya uga xirtay inay saxiixdo heshiiska.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Somaliland aysan heshiiskaas si rasmi ah u saxiixi doonin ilaa kaga dhawaaqdo in Somaliland ay u aqoonsatay Jamhuuriyad madax-banaan.

“Heshiiska rasmiga ah Somaliland ma saxiixi doonto ilaa Itoobiya ay ka aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, wax Soomaaliya ka quseeyana malahan heshiiskaas, weligeedba Soomaaliya waa ka xumeed hormarka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Itoobiya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay Itoobiya ka kireynayaan 20 KM kaliya, isla markaana uusan jirin dhul ay si bilaash ah ku bixineyso Somaliland.

“Wax kasta Itoobiya waxay uga xiran yihiin inay na ictiraafto, sidoo kale weli lama cayimin dhulka la siinayo Itoobiya hadda kadib ayaa laga shirayaa oo go’aan laga gaarayaa,” ayuu yiri wasiir Keyd.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku kalsoon yihiin oo wax kasta ay u dhici doonaan sidii loo qorsheeyey.

Wasiirka waxaa la weydiiyey waxa ay Somaliland ka yeeleyso dacwadaha iyo dalalka iyo ururrada caalamiga ah u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ayaguna ay qoraalo u dirayaan caalamka.

“Dunida waxaan u sheegeynaa in aanu nahay dal madax-banaan, xaqna aan u leenahay inaan ka tashano masiirkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo war ka soo saaray heshiiskii is-afgarad ee lagu gaaray Addis Ababa
Next articleBaarlamaanka Cusub ee puntland oo Goordhow Dooran Doora Gudoomiyehooda Baarlamaanka