Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay hadalkii shalay kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, kadib markii uu ku dhowaaqay war farxad geliyey dhammaan shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.
“Waxaan sugeynaa sidaan ku heshiinay, haddii ay bishaan dhammaato in la qaado dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka caasimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Haddaba qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan darawallada gaadiidka ayaa arrintan aad u soo dhaweeyay, una mahadceliyay ra’iisul wasaaraha.
“Nin yahow waa soo dhaweynaa beryahaan dambe aad ayaan u dhibanahay waddooyinka way xiran yihiin, haddana baaritaan saf-dheer ah ayaa la’iska galaa” ayuu yiri mid kamid ah darawallada ka shaqeeya gaadiidka mootooyinka Bajaajta ee ka howlgasha caasimada.
“Dowladda waxaan ka codsaneynaa meesha ay dhagxaanta yaalliin ciidamo kuma yaree inay micnaha ciidan dhigto oo meeshaas bara koontarool laga sameeyo” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah, kana shaqeeya gaadiidka ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir.
“Waddooyinka la furaayo waxaan u arkaa tallaabo weyn oo la qaaday, shacabkana in badan ay ka mahadcelin doonaan” ayuu yiri darawal kale oo la hadlay Idaacadda Kulmiye.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalminii u dambeeyay wadday qorsheyaal guud oo ku aadan xaaladda magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay isbeddel amni iyo horumar ballaaran.