Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaaran oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayay isbeddalka amni ee caasimada.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin madadaalo, sida heeso, gabayo, buraanbur ama shirib loogu talagalay shirka.
“Marka meesha fadhinay wax xoogaa waan is xansanay Guddoomiye Yuusuf waxaan ku iri meeshu hadalkiibaa batay qof uunbaa tegaya, qofna wuu soo fuulaya bir qalax la tumayana ma jirto, hees maleh, gabay ma leh, buraanbur maleh, shirib maleh waa sidee?” ayuu yiri.
“Marka waxa uu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa nala joogo xoogaa waa ka xishoonay, laakiin arrintaas Sheekh Mukhtaar wuu diiday ma jirto ayuu yiri” ayuu kuu sii daray Xamza.
Waxaa kale oo uu yiri “Dadka wax xoogaa inay is kululeeyaan oo la heeso oo wax la sheego oo si kale wax naloogu sheego oo hadalka keliya aan ahayn waa muhiim”.