Xiriirka kubadda cagta ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray go’aan la filaan ah oo ay ka qaateen tartanka ciyaaraha ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la filayo inuu Jimcaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.
Axmed Doolar ayaa shaaca ka qaaday inay tirsanayaan caddaalad darro weyn oo lagu sameeyay taas oo la xiriira dood laga keenay goolhayaha koowaad ee xulkooda.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Taas ayaa keentay in Koonfur Galbeed ay qaadato go’aan ah in aysan ka qayb-gelin tartana kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, inta laga xalinayo arrimaha taagan”.
“Waxaan u aragnay tartanka dadka maamulaya in aysan ahayn dhex-dhexaad, waayo waxay toos u beegsadeen xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed” ayuu mar kale yiri.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sababta ay tahay in ciyaarahaas laga reebo Koonfur Galbeed, maadaama buu yiri ay u diyaar garowday ciyaaraha maamullada dalka.
Horay waxaa tartankan looga reebay xulka kubadda cagta SSC-Khaatumo oo billowgii hore liiska kasoo muuqday, sidoo kale waxaa maqan Puntland, taas oo hoos u dhigeysa xiisihii tartankan oo sanad kastaa loo qabto maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.