Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyayaal Saakay lagu Garaacay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey khasaaraha Ka Dhashay Hoobiyayaal Saakay lagu Garaacay Muqdisho

0

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay aagga xarunta madaxtooyada, gaar ahaan dhanka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Sheekh Yuusuf Alkawnayn ee degmadaas sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyahaas ay ku geeriyootay hooyadii qoyska, kadib markii uu qolkeeda ku habsaday madfa lasoo tuuray saaka aroortii hore.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Somali Cable ayaa faahfaahin ka bixisay dhacdadaasi, waxayan xaqiijisay inay go’go’day hooyada geeriyootay.

“Saaka saaladdii subax marka ay ahayd waxaanu ka war helnay annaga oo jiifna qarax weyn oo meel kasta laga maqlay oo hoobiye ah famil meel deggan ayuu ku dhacay islaan guriga mas’uul ka ah carruurta iyo reerka dhashay buu ku dhacay” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Islaanta way go’go’day guryihii way dumeen dadkii meesha wada joogay way soo yaaceen”.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maalmihii u dmabeeyay xaaladda ammaan ee caasimada ayaa ahayd mid deggan, waxaana yaraaday weeraradii iyo qaraxyadii horay uga dhici jiray degmooyinka gobolka Banaadir.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Galabtay ka Dhacay Koonfurta Gobalka Mudug
Next articleQarax lagu soo dhex qariyay qashin oo ka dhacay Muqdisho