Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sii kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay dhowaan ka bilaabeen xeebaha Somalia & biyaha gacanka Cadmeed.
Sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka waxaa la waayey halka ay jaan iyo cirib dhigtay doontaan oo markii ugu dambaysay lagu arkay meel u dhow biyaha Soomaaliya.
Sidoo kale Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in la afduubtay doontan kalluumaysi ee ka timid Yemen.
Doonta oo lagu magacaabo Emerat-2 ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay kusii jeeday  ku sii jeedday waqooyiga xeebaha Yemen, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan maamul maxalli ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in doontaan lagu qafaashay meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi kaga beegan yahay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland, halkaas oo ah goobtii ay weeraradii kale ee budhcad-badeeddu ka soo bilowdeen horraantii Diecember.
Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcad badeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.