Waxaa galabta la soo gabagabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka ay ka yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu hoggaaminayo.
Kulankii soo idlaaday galabta waxaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo la sugayo Puntland oo ka maqneed miiskii wadahadalka, intii lagu mashquulsanaa arrimaha dastuurka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo jeediyey in la sugo Puntland oo hadda ku jirta doorasho, si ay talo ugu yeelato arrimaha wax ka bedelka dastuurka, madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulamadii looga hadlayey dastuurka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qaatay talooyin dhowr ah oo mucaaradku ay ku biiriyeen madaxweynaha, kuwaas oo intooda badan ku saabsan wax ka bedelka dastuurka.
Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah oo balanta dib u dhigidda doodaan ay maanta madaxweynaha kala qaateen ayaa qorsheynaya inay la kulmaan guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.