Home Wararka Maanta Waxa looga Hadlaayo Shirka Xasan shiikh u aaday newyork oo La Shaaciyay

Waxa looga Hadlaayo Shirka Xasan shiikh u aaday newyork oo La Shaaciyay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib-u-dhiska ciidamada iyo howl-gallada xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu u guddoomiyo shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Midowga Afrika, waxaana lagu hadlayaa arrimaha ugu muhiimsan ee amniga dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin oo faah-faahin ka bixiyey shirkaan ayaa waxa uu sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay Soomaaliya ka aqbaleen in ay ka jawaaban baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto.

“Waxaanu ogaanay baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto, dalalka saaxiibada ahna waxa ay aqbaleen inay si degdeg ah uga soo jawaabaan baahiyahaas,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu dul istaagi doono ajandeyaal ay kamid yihiin;

1- Horumarka iyo caqabadaha ka jira laamaha amniga Soomaaliya.

2- Qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya.

3- Taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee amniga iyo horumarka.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhankeeda ay u soo bandhigaan baahiyaha amni ee dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan natiijada kulankaan ka soo bixi doonta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan, gaar ahaan maalmaha soo aadan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWiil yar oo Falastiini ah oo su’aashiisa laga jawaabi la’yahay
Next articleWar Deg Deg ah: Ragii Habeen ka Hor Dilay Dhaqtar iyp Macalinkii Dugsi Quraanka oo Gacanta Lagu Soo Dhigay