Inkasta oo weli aan la cayimin taariikhda shirka, haddana sida ilo wareedyo kala duwan ay Warbaahinta u xaqiijiyeen, mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka dastuurka dalka.
Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaas oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh.
Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in xubnaha mucaaradka uusan ka mid aheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay