Shirka u dhexeeya Madaxda dolwadda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya Shirka oo ay ka qeyb galayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo qadka ZOOM-ka uga qeyb galaya.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa iyo Arrimaha amniga goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka.
Ad