Fadhiggii Baarlamanka Puntland ee maanta Isniin ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.
Xogta aan helnay ayaa sheegaya in xaalado amni dartood fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista toddobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka arrimaha doorashooyinka 2024.
Xaaladda magaalada Garoowe ayaa aad u kacsan kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.
Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo, islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha waxbarashada ay weli xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.