Home Wararka Maanta ‘Tacabkii sideeda sano saacado gudahood ayuu ku baab’ay…maanta qado iskama bixin karo’

‘Tacabkii sideeda sano saacado gudahood ayuu ku baab’ay…maanta qado iskama bixin karo’

0

Ruqiyo Aweys Aboow waxay ka mid ahayd dadkii ganacsigooda ku baaba’ay dab xoog leh oo xalay ka kacay suuqa degmada Xamar Weyne kaas oo dhaliyey khasaare hantiyadeed oo baahsan.

Waxay sheegtay inay haysatay dukaan ay ku gadaysay noocyada alaabta la isku qurxiyo kaas oo nolosha qoyskeeda ay ku dabari jirtay.

Ruqiyo ayaa ah hooyada sagaal caruura ah oo agoon ah.

“Wuxuu noo ahaa mid noloshayada ku tiirsanayd,waxaan haystaa caruur agoon ah oo aabahood dhawaan iga geeriyooday oo aan cid kale oo iga caawisa jiran. Waxay ahayd mashaqo weyn oo nagu dhacday balse wax kale ma awoodno inaan qadarta ku samirno ahayn” ayey BBC u sheegtay Ruqiyo.

“Waxaan saaka hortaaganahay dukaankaygii oo gubtay oo la xaaqayo waa niyad jabbay, waayo markaan dib u eego xaafadii an ka imid ma haysto waxaan dib ugu celiyo” ayey intaa ku dartay Ruqiyo Aweys.

Bukhaari Xasan Maxamed wuxuu siddeed sano sano ka hor bilaamay hamigiisa ganacsi isagoo ka bilaabay shaqaale dukaan lagu gado dharka dumaka ilaa makrii danbe uu samaystay mid isaga u gaara oo leeyahay.

Dabkii xalay ayaa Bukhaari sheegay inuu burburay hiigsigiisa. Wuxuu BBC-da u sheegay in hanti uu ku qiyaasayo ilaa 40 kun oo dollar ay kaga gubatay dabka.

“ Waxay ahayd nasiib daro laakiin waa qadar, waxan aahay aabe leh afar caruura waxan kaloo masuul ahaa walalahay iyo waalidkay hada waxaa ku soo dhacay meel eber ah, alaabta dukaanka taalay waxay u badnayd dharka baatigaa oo ganacsigaygu u badnaa ma jirin lacag cad oo taalay dukaaanka” ayuu yiri Bukhaari.

Wuxuu qabaa in hadii dab damisku xili hore imaan lahaa ugu yaraan wax laga caymin lahaa dukaankiisa iyo xarumaha kale ee ganacsi kuwaas oo bas belay.

Hadda ma garanayo wax ii qorshaa ayuu BBC-da u sheegay Bukhaari isagoo dareemaya culays weyn kuna waabariistay xaalad gacmo marnaana.

Ciidamadda dab damista ee gobolka Banaadir ayaa xili danbe ku guulaystay inay damiyaan dabka oo tiro badan oo dukaamada ganacsiga baabi’iyey kuna fiday qaybaha kala duwan ee suuqa.

Sida ay sheegeen qaar ka mida ganacstada dukaamada kulahaa suuqa oo ka mid yahay Bukhaari Xasan Maxamed waxaa dabku ka bilowday dukaan xirnaa oo aan la furin maalinimadii kaas oo loo malaynayo inay koronto sababtay dabka kaas oo raacay balayaasha ku teedsanaa goobaha ganacsiga.

Khasaaraha ugu xoogan ayaa gaaray ganacsatada gaariyooleyda ah oo ku ganacsada hareeraha wadooyinka

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Yuusuf Jimcaale oo goobta booqdayt ayaa sheegay in lala xisaabtami doono shirkadaha korontada hadii ay qaadan waayeen taxadar looga hortago inuu dabab ka kacaan suuqyada kale duwan.

Dowlada Soomaaliya wali war kama soo saarin inta uu le’egyahay khasaaraha hantiyadeed ee dabkaasi gaarsiiyey suuqa degmada Xamar Weyne oo ka mida suuqyda ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaxweyne Racep Tayyip Erdogan oo Balanqaaday Inuu Dhisi Doono Kaabayaashii Israail ka Burburisay Falastiin
Next articleGolaha wasiirada oo go’aanno ku gaaray shir deg-deg ah oo ay yeesheen