Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwad ka dhan 10 ruux oo loo hayto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna qaarkood tababar kusoo qaateen buuraha Galgala ee Puntland.
Waxaa sidoo kale qaar kamid ah eedeysanayaasha loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta amniga caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug.
Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda sharraxaad siinayay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7 ka mid ah eedeysanayaasha ay u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee 2023.
Intaas kadib ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga guud ee dalka.
Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda ayaa sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka tobankaan ruux.