Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo Markale si lama Filaan ah uga Hadlay Dagaalka...

Madaxweyne Xasan shiikh oo Markale si lama Filaan ah uga Hadlay Dagaalka GAZA kasocda

0

Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga  hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.”

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.

Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo U Dhoofay Dalka Burundi