Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay.
Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino.
Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda.
Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho.