Home Wararka Maanta Osama Hamdan oo Dalalka Islaamka Sadex Cosdi U diray

Osama Hamdan oo Dalalka Islaamka Sadex Cosdi U diray

0

Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad.

Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan.

“Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay dalalku inay xiriirka u jaraan Israa’iil.

“Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani’aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal,” ayuu yiri.

“Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale,” ayuu Xamdaan ku daray.

Ugu dambeyntii Xamdaan wuxuu yiri, “Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa’iil, taasina waa sababta fashilka.”

Maanta ayaa shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka lagu soo gabagabeeyay dalka Sucuudiga, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey qadiyadda dunida islaamka iyo dalabka xabad joojin deg deg ah, si gubaadka Yahuuda looga joojiyo dadka reer Falastiin.
Ad
Previous articleWHO oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza
Next articleIn ka badan 300,000 oo dibad-baxayaal taageersan Falastiin oo Halmar Landan isugu Soo Baxay iyo Siyaasiinta UK oo laba ukala Jabay