Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay warqad ay ku baafinesyo eedeysane Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim oo ahaa maamulihii xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee Warta Nabadda.
Eedaha loo haysto ninkan ayaa waxaa kamid ah inuu ku kacay musuq-maasuq, ku takri fal hanti dadweyne iyo been abuur dukuminti, sida ay sheegtay Maxkamadda Gobolka.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in dhammaan falalkaas ay ka dhaceen xafiiska canshuuraha bariga, Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Warta Nabadda.
“Waxay Maxkamaddu fareysaa eedeysanaha sare ku xusan inuu ku horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir muddo sodon (30) maalmood ah oo ka bilaabaneyso maalinta taariikhdu tahay tr: 11/11/2023, kuna eeg taarkiida 10-12-2023 oo ah maalin Axad ah” ayaa lagu yiri baafinta ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
“Waxaa lagu farayaa inaad dhowrto waqtiga Maxkamaddu kuu qabatay, haddii aad muddadaas ku hor imaan weyso Maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaanooyin sharci ah” ayaa mar kale lagu yiri warqadda maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba.