Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi.
Labada marxuum oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin, sida innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada wiil ay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogateen goobtooda ganacsi oo ku taalla halkaasi, kadibna baxsadeen.
Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.
Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda ma jirto kasoo baxday baaritaanka ay saameeyeen ciidamada booliska ee goobta tegay, kadib wiilasha Soomaalid ah.
Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.