Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamado Macawislay Hor leh oo Farabadan oo kusoo Biiray Dagaalka Kasocda koonfurta...

Ciidamado Macawislay Hor leh oo Farabadan oo kusoo Biiray Dagaalka Kasocda koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)

0

Ciidamo horleh oo loo diyaariyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Xinlabi oo hoostaga gobolka Mudug, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo ah kuwa deegaanka lagu aas aasay, kana mid noqonaya macaswiileyda Mudug ayaa lagu wareejiyay dowlad goboleedka Glamudug, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Xinlabi ee gobolkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye) ayaa la wareegay ciidamadan, waxaana ku wareejiyay maamulka iyo shacabka Xinlabi.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarinta ciidamadan ay kusoo aadeen xilli loo baahnaa, ayna ka qayn qaadan doonaan howlgallada xoreynta Mudug.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, isla-markaana aysan u dul-qaadan doonin dhibaatada ay kooxdu ku hayso dadka shacabka ah.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka soconaya dagaallo toos ah oo ujeedkoodu yahay in dalka lagaga sifeeyo xubnaha Al-Shabaab, wuxuuna haatan dagaalku galayaa wejigiisa labaad.

Ad
Previous articleCulimada Ahlu Sunna Wajamaaca oo ku Dhawaaqay inay ku Biiraayaan Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab
Next articleCiidamo lakala Dhex Dhigay Beelo Dhawaan ku Dagaalamay Galmudug