Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.
Wuxuu shirku socon doonaan muddo laba cisho ah, ayada oo ay ka qayb-galayaan wasiiradda caafimaadka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaal iyo khuburo sare oo dhanka caafimaadka ah.
Mudada uu socda shirka ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa waxa ka dhaqangalay qodobadii horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo aas aas u ahaa horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaraddaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey daadejinta barnaamijka caafimaadka ee heer dowlad Goboleed.
Dhankiisa wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedayada, si bulshada u gaaro adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.